Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in ay hubanti la’aan soo foodsaartay mustaqbalka qiyaastii 700,000 oo ah carruurta nugul.
Waxaa uu tani u aaneeyay go’aanka dowladda ee lagu jabiyay ururka daryeelka carruurta ee dalka ee (CWSK).
Waxaa tallaabadan dhaliilay xeer dejiyaal iyo qaar ka mid ah kooxaha u ololeeya daryeelka ubadka.
Waxay sheegeen in arrintan ay horseedi karto in carruur badan ay hooy la’aan noqdaan ama kuwa la soo samatabixiyay ay culeysyo nololeed u geeriyoodaan.
Alfred Mutua ayaa baarlamaanka ka codsaday inuu arrintan soo farageliyo oo la xaqiijiyo jiritaanka ururka daryeelka carruurta ee dalka ee CWSK si dowladda aynan meesha uga saarin dhaqaalaha ay ku kabto howlaha ururkan.