NISA oo sheegtay in la dilay 48 xubnood oo ka mid ah argagixisada

0
670

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Qoraalka NISA ayaa lagu xusay in duqeynta lagu dilay 48 xubnood oo oo isugu jira maleeshiyaad iyo saraakiil.
Waxaa howlgalkan wada fuliyay ciidanka NISA iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliya.
NISA ayaa bayaankeeda ku sheegtay in duqeymaha ay ka dhaceen deegaannada Daarul-Nimca iyo Al-Kowthar oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Beerayabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalka koowaad ee ka dhacay deegaanka Daarul-Nimca ayaa lagu dilay 17 xubnood waxaana looga gubay gaadiid dagaal halka howlgalka labaad ee laga fuliyay deegaanka Al-Kowthar lagu dilay 19 xubnood.
Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in howlgalka saddexaad ee laga fuliyay deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan lagu dilay 12 xubnood oo ka mid ah argagixisada waxayna intaasi ku dartay in howlgallada ay sii socon doonaan.
Taliska NISA ma uunan soo bandhigin xubnaha uu shaaciyay in lagu dilay duqeynta iyo magacyadooda.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ay fuliyeen howlgal duqeyn oo ka dhan ahaa argagixisada kaasi oo ka dhacay Al-kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Waxay wasaaradda sheegtay in ugu yaraan 70 xubnood oo ka mid ah argagixisada lagu dilay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo howlgallo laga fuliyay.
Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxahan iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin.