Raila oo sheegay inuu sameyn doono wada tashiyo ballaaran

0
394

Madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa shaaciyay qorsho uu wada tashiyo ballaaran kula yeelan doono xisbiga uu hoggaamiyo ee (ODM) iyo taageerayaashiisa ka hor inta uunan ku dhawaaqin tallaabada xigta.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhawaan ku guul darreystay u tartamidii xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC).
Raila ayaa ismaamulka Mombasa ka sheegay inuu si wayn uga mahadcelinaya garab istaaggii loo muujiyay xilligii uu ololaha ku guda jiray.
Waxaa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay wada shaqeyn siyaasadeed.
Xilli uu madaxweynaha dalka William Ruto kula kulmay madaxtooyada yar ee State House ee ismaamulka Mombasa ayuu Mr. Odinga carrabka ku adkeeyay in horay loo sii tallaabsan doono.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isna dhankiisa xusay in maadaama hadda uu jiro maamul dowladeed oo uu mucaaradka qayb ka yahay in isaga iyo Odinga ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa midnimada kenyaanka.
Waxaa uu shacabka ku bogaadiyay taageeridii ay u muujiyeen Raila Odinga oo u tartamay jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Ruto ayaa Raila ku amaanay inuu Kenya ku matalay si sharaf iyo adkeysi leh oo uu muujiyay waddaniyad.