Israa’iil oo weerarro ka wado Daanta Galbeed

0
253

Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in markii ugu horreysay in ka badan muddo 20 sano ah , dabbaabadaha dagaalka ee Israa’iil la geeyay Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Ilaa 40,000 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay xerooyinka qaxootiga ee dhanka Waqooyi oo ay ka socdaan howlgallada Israa’iil.
Dhanka kale , qiyaastii 450,000 oo ruux ayaa magaalada Beirut ee dalka Lubnaan uga qayb galay aas loo sameeyay madaxii hore ee ururka Xisbullah ee waddankaasi Xasan Nasrallah, ku dhawaad 5 bilood ka dib markii lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulisay Israa’iil.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in duullaanka militari ee Israa’iil laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii lagu dilay 48,319 qof halka la dhaawacay 111,749 kale.