Israa’iil oo hakisay sii daynta 620 oo maxaabiis falastiiniyiin ah

0
250

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee la qorsheeyay in la fuliyo shalay oo Sabti ahayd in la hakiyay.
Tani ayaa lagu sheegay in ay tahay tallaabo ay Israa’iil ku doonayso in loo dammaanad qaado in la soo daynaayo maxaabista kale ee Xamaas u xiran iyada oo aan la marin wax bahdil ku ah Israa’iil.
Xamaas ayaa sheegtay in dib u dhigista Israa’iil ee sii deynta dufcadda toddobaad ee Falastiiniyiinta “wakhtigii lagu heshiiyey ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo Israa’iil ay ku xad gudubtay heshiiska xabbad joojinta Qaza.
Israa’iiliyiinta isugu soo baxay waddooyiinka Tel Aviv ayaa ku baaqay sii daynta meydadka maxaabiista kale ee Xamaas ay wali gacanta ku hayso maadaama ay shalay si daayeen kuwii ugu dambeeyay oo noolaa.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in 48,319 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen dagaalka Israa’iil ee Qaza, halka 111,749 qof ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa gaarsiisay ugu yaraan 61,709, iyadoo sheegtay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostooda loo maleynayo inay dhinteen.