Australia iyo New Zealand oo dabagal ku haya dhaqdhaqaaqa maraakiibta Shiinaha

0
617

Dowladaha Australia iyo New Zealand ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa saddex markab oo ah kuwa ciidamada badda oo laga leeyahay Shiinaha.
Wasiirrada gaashaandhigga ee labada dowladood ayaa sheegay in maraakiibtan lagu arkay dhanka bari ee xeebaha Australia taasi oo aan caadi ahayn.
Waxay sheegeen in dhacdadan la soo tabiyay toddobaadkii hore, gaar ahaan meel 278 kiilomitir u jirta bariga magaalada Sydney.
Wasiirka difaaca ee Australia Richard Marles ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in lala socdo tallaabo kasta .