DHAGEYSO: Xildhibaanka Koonfurta Wajeer oo ka mahadceliyay in meesha laga saaray turxaan bixintii aqoonsiga

0
112

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta ismaamulka Wajeer Maxamad Caddow ayaa madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay amarkii uu shalay meesha uga saaray turxaan bixintii la marin jiray shacabka gobolka Waqooyi Bari marka ay codsanayaan aqoonsiga qaran.
Waxaa uu xildhibaanka sheegay in ay la mid tahay in dadweynaha gobolka ay shalay mar kale dib u heleen xurriyad.

Maxamad Caddow ayaa bulshada soomaaliyeed ku boorriyay in ay codkooda mideeyaan oo ay dib u doortaan William Ruto.