Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa wacad ku maray in dowladdiisa ay sii wadi doonto garab istaagga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Tani ayaa timid iyadoo dowladda dalkaasi cadaadis lagu saaraya in ay ciidamadeeda kala baxdo Congo ka dib markii looga dilay 14 saraakiil militari ah.
Waxaa dhinacyada dalbaday in ciidamada Koonfur Afrika ay ka baxaan Congo ka mid ah xisbiga dagaalyahaannada xurriyadda dhaqaale ee (EFF) .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii fallaagada M23 oo dowladda Rwanda lagu eedeyo in ay taageerto ay la wareegtay magaalada Goma ee Bariga DRC waxayna wacad ku martay in ay horay u sii tallaabsan doonto ilaa ay kala wareegaysa caasimadda waddankaasi ee Kinshasa.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa bayaan ku sheegay in nabad galyo iyo amni waara oo lagu soo dabbaalo bariga DRC iyo si guud gobolka ay u baahan tahay in dalalka ay iska wada kaashadaan.
Waxaa uu caddeeyay in Koonfur Afrika aynan marnaba ka tanaasuli doonin taageeridda shacabka Congo.
Saraakiisha la dilay ayaa badankoodu waxay qayb ka ahaayeen howlgalka nabad sugidda ee Jaaliyadda Horumarinta dalalka dhaca Koonfurta qaaradda Afrika ee SADC oo ka kooban 16 xubnood ay sanadkii 2023-kii u dirtay DRC.