Dad badan ayaa lagu wadaa inay ka baxaan Marinka Gaza, iyadoo wadahadal lagu kordhinayo heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas la filaya inuu furmo.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa billaabaya wadahadallo ku saabsan wejiga labaad ee xabbad-joojinta isagoo booqanaya magaalada Washington, DC si uu wadahadal ula yeesho madaxda Mareykanka iyo madaxweyne Donald Trump.
Iran ayaana dhaleeceysay soo jeedinta Trump ee ahyd in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo ka digtay in ay noqon doonto “isir sifeyn”.
Iran ayaa sido kale ka digaysa booqashada Natenyahu ee Mareykanka iyo waxyaabaha ka soo bixi kara.