Waxay Faahfahaino dheeraad ah ka soo baxayaan Qaraxa uu ka dhashay khasaare Nafeed iyo burbur hantiyadeed oo ka dhex-dhacay mooto Bajaaj ay saarnaayeen rag lasheegay inay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, xilli ay marayeen agagaarka Huteelka AMBAS dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriya Isxal oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Darawalkii Mooto Bajaajta iyo Nin kale oo la saarnaa, isla markaana wax khasaaro ah uusan kasoo gaarain dad Shacab ah.
Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in ragga qaraxa ku dhintay ay doonayeen inay dhibateeyaan Shacabka Gaalkacyo, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay Ciidamada la Shaqeeyaan si naftooda loo badbaadiyo.
Dhinaca kale Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen ragga qaraxada ay ku xirnaayeen, sidoo kalena ay hatan wadaan baritano la xiriira halka laga soo abaabulay qaraxa.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ahaa, kuwaasoo qaarkood lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.