ODM oo qorsheynaysa kulan looga tashanaya la macaamilka dowladda

0
519

Senatarka ismaamulka Vihiga ahna ku xigeenka madaxa xisbiga ODM Godfrey Osotsi ayaa sheegay in ay qorsheynayaan shir ay siyaasiyiinta xisbiga uga heshiin doonaan qaabka loola macaamilaya dowladda talada haysa.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Busia ayuu hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii xubno ka tirsan ODM ay ku biireen dowladda dhexe ay siyaasiyiinta muujinayeen kala duwanaansho taasi oo loo baahan yahay in laga gudbo.
Waxaa uu tilmaamay in kulanka uu soo qaban qaabin doono guddiga dhexe ee maamulka ee xisbiga.
Barasaabka ismaamulka Busia Paul Otuoma ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xubnaha ODM ay muujiyaan aragti siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin.