Hoggaamiyaha Syria oo maanta booqanaya Sacuudi Carabiya

0
261

Hoggaamiyaha dalka Syria Axmed al-Sharaa ayaa maanta safar ku tagaya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii shakhsigan loo magacaabay madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee waddankaasi.
Ilo wareedyo ayaa warbaahinta caalamiga ee Al Jazeera u sheegay in Axmad uu Sacuudi ku sugnaan doono labo cishe.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya wada hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Sacuudiga iyo Syria.
Magacaabidda Axmad Al-Sharaa ayaa timid ka dib markii xoogagga mucaaradka ay hoggaamiyeen olole bishii 12-aad ee sanadkii 2024-kii xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaasi Bashar al-Assad waxaana u hambalyeeyay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal sugaha Maxamad Bin Salmaan.