Dowladda ayaa dib u eegis ku samaynaysa qalabka tabarucaadka ee caymiska caafimaad ee SHA iyada oo ka jawaabaysa welwelka ay qabaan dadka Kenyaanka ah ee codsaday faragelin degdeg ah si looga hortago culayskooda.
Madaxweyne ku xigeenka waddanka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in maamulka William Ruto uu yahay dowlad dhagaysata dadweynaha oo xal waara laga gaari doono arrinta SHA.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ka qayb galay shirwaynaha mootoleeyda ismaamulka Embu ee lagu qabtay magaalada Runyenjes.
Kindiki ayaa ballan qaaday in maamulka Ruto uu dib u soo noolayn doono dhamaan mashariicda hakad galay ee Embu sida wadooyinka,biyaha,korontada,caanaha iyo kuwa kale oo muhiim u ah horumarka gobolka.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay isugu yimaadaan in ka badan 10,000 oo mootoley ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta dakhligooda iyo howlgallada gudaha ismaamulka Embu.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale daah furay qorshaha istaraatiijiyadeed ee mootoleyda Embu ee 2024 -2027, kaas oo ah khariidad loogu talagalay kobaca iyo nidaaminta waaxda.
Waxa uu sidoo kale billaabay Nidaamka Maareynta Macluumaadka mootooleyda xog-ururin gobolka oo dhan ah si loola socdo loona maareeyo macluumaadka howl-wadeennada mootada.
Xilli uu ka hadlayay dib u eegista lagu sameynaya SHA ayuu Kindiki yidhi.