Dhowr maxabiis ah oo ay Israa’iil sii daaysay oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ramallah

0
393

Dhammaan 183 maxbuus oo ay israa’iil sii daysay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Ramallah ka dib markii halkaasi lagu keenay baska hay’adda Laanqayrta Cas
Maxaabiista la sii daayay ayaa qaarkood la arkayay iyagoo ooyaya, kaddib markii ay dib ula midoobeen eheladooda.
Farxad badan ayaa ka muuqatay boqolaal falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay Ramallah.
Tan ayaa timid ka dib markii kooxda Xamaas ay seddax la haystayaal israa’iiliyiin ah ku sii daayeen maanta laba goobood oo kala duwan oo ku yaal koonfurta iyo waqooyiga Gaza.
Magacyada maxabiista Israa’iil ee la sii daayay ayaa kala ah Keith Siegel, Ofer Kalderon and Yarden.