Shirkadda Biyaha ee Bungoma oo sheegtay in ay lumisay boqolkiiba 50 ee dakhligeeda

0
513

Shirkadda adeegga biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Bungoma ee Buwasco ayaa sheegtay in ay lumisay qiyaastii boqolkiiba 50 ee dakhligeeda.
Tani ayay u aaneysay sababo la xiriira xatooyada biyaha oo ku ku badatay gobolkaas.
Madaxa howlaha ee shirkaddasi Collins Singanga ayaa xilli uu ku sugnaa degmada Kandui oo uu ku burburiyay mashiinnada biyaha oo dadka deegaankaas ay si sharci darro ah ku xirteen ayaa u dhigay dadka sida sharci darrada ah shacabka ugu xiriiriya biyaha iyada oo aan la soo marin nidaamka saxda ah.
Waxaa uu wacad ku maray in shakhsiyaadkan sharciga lala tiigsani doono.