Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta caddeyn doonto in barasaabkii hore ee ismaamulka Migori Okoth Obado iyo labo eedeysanayaal oo kale ay ka dambeeyeen dilkii Sharon Otieno iyo in kale.
Okoth Obado,Michael Oyamo iyo Caspal Obiero ayaa lala xiriiriyay dil sanadkii 2018-kii loo gaystay gabadhaasi oo ardayad ahayd.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu ogaan doonaa in tuhmaneyaasha ay dembigaasi galeen iyo in aynan sameyn oo la siidaynaya.
8-dii bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhinacyada qaybta ka ah dacwaddan ay maxkamadda u gudbiyeen doodahooda.
Obado ayaa ku dooday in waaxda dacwad oogidda dalka ay ku fashilantay in ay soo bandhigto caddeymo culus oo isaga ka dhan ah.