Ra’iisul wasaaraha Serbia oo xafiiska banneeyay

0
60

Ra’iisul wasaaraha dalka Serbia Milos Vucevic ayaa is casilay shalay Tallaadadii isagoo noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee xilka ka dego iyadoo ay socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa oo ku faafay guud ahaan dalkaasi.
Bannaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa ka dhashay saqafka ku dumay saldhigga tareennada ee magaalada Novi Sad, halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof.
Arrintan ayaa keentay in dadweynaha ay ugu baaqaan Vucevic inuu shaqada ka tago.
Ardayda, macallimiinta, shaqaalaha kale iyo kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka si ay ugu eedeeyaan dhibaatada saameysay saldhiggasi musuqmaasuqa ka dhex jira xukuumadda madaxweyne Aleksandar Vucic.
Wasiirka dhismaha, gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo wasiirka ganacsiga ayaa arrintaasi ka dib xilka isaga tagay balse tan ayaan wali soo afjarin mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda dalka Serbia.