Madaxweynaha dalka Kenya iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo wada hadlay

0
377

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu khadka taleefoonka kula xiriiray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.
Waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay dani ugu jirto labada dhinac sida baahida loo qabo dhameystirka heshiiska iskaashiga istaraatiijiga ee ganacsiga iyo maalgashiga ee (STIP).
Waxaa is-afgaradkan looga gol-leeyahay in sare loo qaado maalgashiga iyo xoojinta kobac dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay iyadoo loo maraya ka fa’iidaysiga fursadaha dhaqaalaha ee jira.
Ruto iyo Rubio ayaa sidoo kale ka wada hadlay howlgalka amni ee (MSS) ee dalka Haiti waxayna isku afgarteen in la adeegsado istaraatiijiyad laga siman yahay si howlgalkan loogu guulaysto.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa dhanka kale bogaadiyey dadaallada ay Kenya ku bixiso ka shaqeynta xasilloonida gobolka.
Labada mas’uul ayaa soo hadal qaaday xaaladda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC iyo taageerada looga baahan yahay Maraykanka.
William Ruto ayaa Marco Rubio faahfaahin ka siiyay xaaladaha amni ee Suudaan , Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.
Waxaa uu qoraal ku xusay inuu ku farxay in dowladda Maraykanka ay muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda howlaha nabadgalyada ee ay Kenya ka sameynaysa gobolka.