Madaxweyne Ruto oo magacaabay xubnaha guddiga doorashada ee loo xil saaray qorista dadka xubin ka noqoni doono IEBC

0
320

Madaxweyne William Ruto ayaa magacaabay xubnaha guddiga doorashada ee loo xil saaray qorista dadka loo soo magacaabayo jagooyinka guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; Prof. Adams Oloo, Dr. Nelson Makanda, Fatuma Saman, Amb. Koki Muli, Evans Misati, Nicodemus Bore Kipchirchir, Andrew Tanui Kipkoech, Carolene Kituku iyo Linda Kiome Gakii.
Bayaan ku taariikhaysan 27-da bishan oo maanta ah ayuu madaxwaynaha ku laalay magacaabista xubnaha guddiga oo horay loo magacaabay sanadkii 2023-kii.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo cadaadis lagu saarayo Ruto inuu si deg deg ah u dhiso guddiga doorashada ee IEBC.
Madaxweyne Ruto ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo hay’adaha madaxa bannaan, uuna hakinayo isbedellada.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa ku dooday in hadii IEBC lagu sameeyo waqtigii loogu talo galay in Kalonzo uu ku guulaysanaayo xilka madaxtinimada waddanka ee sanadka 2027.