Puntland oo maamnuucday boorarka ku qoran afafka khalaad

0
495

Wasaaradda Warfaafinta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa amar ku bixisay in dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta ee ku qoran Afafka khalaad loo beddelo Afka-Soomaaligaa.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray qof kasta oo doonaya inuu boor sameysto si uu u dhegsado ama goob Ganacsi furanaya inuu isticmaalo Afka hooyo ee Soomaaliga oo aan hada kadib laga ogolaan doonin Luuqadaha Hisheeye EE Boorarka lagu qorayo ama Goobaha ganacsi loogu Magac Bixinayo.
Sidoo kale Wasaaradda waxay sheegtay in iyadoo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen ay Amarkan soo saartay.
Puntland waxay kaloo Mabnuucday in Dooxooyin gaar ah Xoolaha la daajiyo.
Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimiliada Maamulka Puntland, ayaa warqad ay soo saartey kaga mamnuucay xoolo dhaqatada dooxooyin gaar ah inay Xoolahooda Geeyaan ama Daajiyaan.
Dooxooyinkaan ayaa waxaa la kala yiraahdaa Cada–Dheero iyo Laba Dulay waxayna ku yaalaan Gobolka Nugaal, iyadoo xanibaaddu ay socon doonto labo toddobaad.
Sababaha looga mamcuunay Xoolo dhaqatada dooxooynka ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in la nasiyo si naq fiican uu uga soo baxo Dooxooyinkaan, waxaana la faray Xoolo dhaqatada inay amrkaas qaataan oo ay Xoolohooda ka Weeciyaan ama ka Celiyaan Dooxooyinkaan gaarka ah ee laga Mabnuucay daaqa labada toddobaad.