67 qof oo lagu dilay dalka Suudaan

0
84

Saraakiisha caafimaadka iyo dadka u dhaqdhaqaaqo xuquuqul aadanaha ayaa sheegay in weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku soo qaadeen mid ka mid ah isbitaaladii ugu dambeeyay ee ka shaqeeynayay magaalada El-Fasher ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan ay ku dhinteen 67 qof.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay tobanaan ruux oo kale.
Ilo wareed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 37 qof oo ku dhaawacmeen duqeynta maalintii hore ay dhinteen taasi oo tirada dhimashada ka dhigtay 67.
Waxaa weli la daaweynaya tiro ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi .
Ilo wareedka oo sababo amni awgood aan magaciisa loo adeegsan warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta isbitaalka Saudi Hospital ay burburisay dhismaha degdegga ah ee xaruuntaas caafimaad.
AFP ayaa sheegtay in aynan si madax bannaan u xaqiijin karin labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan ee weerarkasi ka dambeyay.
Macluumaadka rasmiga ah ayaa muujinaya in qiyaastii boqolkiiba 80 ee isbitaallada Suudaan aynan hadda shaqeyn.
Tan iyo bishii afaraad ee sanadkii 2023-kii ciidanka militariga Suudaan ayaa dagaal kula jira saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF-ta kuwaasi oo qabsaday ku dhawaad dhammaan gobolka ballaaran ee galbeedka Darfur.