Maxkamadda sare ee dalka ayaa oggolaatay in liiska xubnaha guddiga qaabilsan shaqaaleysiinta saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) loo gudbiyo madaxweynaha qaranka William Ruto si uu u magacaabo.
Garsoore Dorah Chepkwony ayaa go’aankan maanta soo saartay.
Waxay waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwadii la gudbiyay ee ahayd in dadka qabo baahiyaha gaarka ah aan lagu matalin guddiga loo soo xushay inuu howlgeliyo mas’uuliyiinta beddelaya Wafula Chebukati iyo saraakiishii sare ee IEBC ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Garsooraha ayaa sheegtay in aan lala wadaagin caddeyn wax ku ool ah oo dooddaasi loo cuskanaya.
Sidoo kale, waxay beenisay in soo magacaabidda guddigan aan lagu tixgelin isku-dheellitirka matalaadda jinsiyadeed iyo gobollada dalka.
Garsooraha ayaa dhinac iskaga dhigtay dood ahayd in isbeheysiga Azimio uunan sida habboon u soo xulan xubnaha ku matalaya guddigan.
Go’aanka maxkamadda ayaa horseedaya geeddisocodka lagu buuxinaya jagooyinka ka bannaan guddiga IEBC maadaama uu qorshuhu yahay in Kenya ay doorasho guud ka qabsoonto sanadka 2027-da.