DHAGEYSO: Shacabka xaafad ka tirsan Kasarani oo ka cabanaya koronto la’aan

0
624

Dadweynaha ku nool xaafadda Kamulu ee deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi ayaa cabasho ka muujiyay in laga jaray adeegga korontada.
Shirkadda korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa dhankeeda sheegtay in ay meesha ka saartay koronto si sharci darro ah lagu xiriiriyay.
Qaar ka mid ah dadweynaha oo arrintan ka hadlay ayaa yiri.

Xildhibaanka deegaanka Kasarani Ronald Karauri ayaa isna dhaliilay tallaabada ay qaadday Kenya Power wuxuuna sheegay in aynan maangal ahayn in korontada la gaarsiinaya tuulooyinka iyadoo qaar ka mid ah shacabka caasimadda dalka ay ka cabanayaan in aynan adeeggan haysan.