Guddoomiyaha dowlad deegaanka Uasin Gishu ,Jonathan Bii ayaa dib u habeyn ku sameeyay maamulkiisa isagoo fasax qasab oo hal bil ah u diray wasiir , 7 ah saraakiisha sare ee waaxyaha iyo madaxii shaqaalaha ee xafiiskiisa Nicholas Chepkwony.
Waxaa uu isbeddello gaaraya saddex ku sameeyay golihiisa wasiirrada .
Dr. Janet Kosgei oo ahayd wasiiradda dhulalka iyo qorsheynta oo la xiray bishii Diseembar ee sanadkii hore ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacag laaluush ah qaadatay ayaa waxaa u billaabanaya fasax qasab ah.
Barasaabka ayaa isku-shaandheynta uu ku tallaaba qaaday u aaneeyay inuu qiimeeyay waxqabadka mas’uuliyiinta muddo 6 bilood ah sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan noqotay in dib u eegis la sameeyo si loo wanaajiyo bixinta adeegyada dadweynaha.
Saraakiisha sare ee waaxyaha dowladda ismaamulka Uasin Gishu ee la fasaxay ayaa kala ah Mary Kerich ( deegaanka , tamarta iyo isbeddelka cimillada) ,Abraham Kiptalam Bureti ( Waddooyinka , Gaadiidka iyo Howlaha guud) ,Felix Kimaru (ICT-da iyo Hal-abuurka ) ,Marion Birgen (Waxbarashada iyo tababarka farsamo) ,Nixon Cheplong (Xoolaha iyo Kalluumeysiga ) iyo Nahum Jelagat Tirop (Maareynta Adeegga Dadweynaha)
Guddoomiye Bii ayaa Micah Kipkosgei Rogony u magacaabay inuu si ku meel gaar ah u sii hayo xilka wasiirka maamulka iyo dowlad wadaajinta.
Nathan Korir ayaa isna si ku meel gaar ah u sii ahaan doono sarkaalka sare ee waaxda ganacsiga , maalgashiga , warshadaha iyo dalxiiska.
Mark Some ayaa isna laga dhigay ku simaha madax waaxeedka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha.
Ruth Samoei ayaa si ku meel gaar ah u sii hoggaamin doonto waaxda iskaashatooyinka ,Geofrey Kirwa Tanui( Dhulalka iyo qorsheynta) Elphas Kesio (Xoolaha iyo Kalluumeysiga).
Sidoo kale, guddoomiyaha ismaamulka Uasin Gishu, Jonathan Bii ayaa Johnstone Kotut u magacabay la-taliyihiisa arrimaha dhaqaalaha halka Pius Kiplimo Chumba uu noqonaya madaxa shaqaalaha.