Golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa ugu baaqay maareeyaha miisaaniyadda dowladda Dr. Margaret Nyakang’o in ay isugu yeerto kulan si looga wada tashado wareegtadeedii ay dhawaan soo saartay ee ku aadanayd in dowlad deegaannada ay joojiyaan qarashaadka waxbarasho ee ay ka bixiyaan ardayda.
Guddoomiyayasha ayaa walaac ka muujiyay go’aankii ka soo baxay xafiiska maareeyaha miisaaniyadda qaran.
Dr. Margaret ayaa tallaabada ay qaadday u aaneysay in dowladda dhexe ay dhaqaale u qoondeyso howlaha waxbarashada sidaasi awgeedna ismaamullada aan laga doonayn in ay miisaaniyad ku kabaan.
Golaha barasaabyada ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo beddelo amarkaasi oo ardayda ku tiirsan kaalmadan dhaqaale loo oggolaado inay sii wataan waxbarashadooda iyada oo aan carqaladayn.
Sidoo kale, madaxda ismaamullada dalka ayaa tilmaamay haddii wax laga qaban waayo tabashada ay arrintan ka muujinayaan in ay qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Waxaa sidoo kale ay xuseen in dowladda dhexe ay ku guul darreysatay inay soo saarto lacagaha ismaamullada taasoo keentay in gobollada ay culeys wajahaan.
Home Wararka Kenya Golaha barasaabyada ismaamullada dalka oo doonaya inuu wada hadal la yeesho maareeyaha...