Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee ismaamulka Nairobi oo yeeshay kulan sanadla ah ayaa barasaabka caasimadda dalka Johnson Sakaja ugu baaqay in uu nidaamiyo ganacsiga dadka waratada ah ee ku shaqeysta hareeraha waddooyinka si xal loogu helo ciriiriga ka jira xaafadda .
Waxaa arrintan ka hadlay xoghayaha guud ee ururka ganacsatada Islii Cumar Ibraahim Xuseen.
Sidoo kale , Cumar ayaa shacabka ku nool xaafadda Islii ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan maareynta nadaafad darrada.
Xoghayaha ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay qoraal la soo dhigay baraha bulshada oo lagu dhaliilayay ganacsiga soomaalida.