Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Soomaaliyeed Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in Wixii maanta ka bilowda si rasmi ah loo furi doona diiwaangelinta ururrada siyaasadda.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ugu baaqay Qof walba oo Soomaliyeed inuu u diyaar garoobo doorasho qof cod ah.
Waxaa uu intaas ku daray in todobaadka soo socda la asteyn doono goobaha codbixinta”.