Shan qof ayaa isla goobta ku dhintay kadib markii shil ay galeen gaari xamuul ah iyo labo mooto kaasi oo ka dhacay buundada Nyametembe ee ismaamulka Migori.
Shilkan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay wadada weyn ee isku xirta Migori iyo Isebania habeenimadii xalay.
Dadka ku dhintay shilkan waxaa ka mid ah labo macalin.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaarika xamuulka ah uu si xowli ah ku socday isagoona lumiyay xakameynta taasi oo sababtay shilka.