Hay’adda Laanqeyrta Cas qaybteeda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo ku saabsan dabkii ka socday qaybo ka mid ah ismaamulka Isiolo in ka badan labo maalmood.
Odayaal dhaqameedka, dadka deegaanka iyo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa tan iyo arbacadii u taagnaa sidii ay wax uga qaban lahaayeen dabkaas.
Waxaa ay walaac ka muujiyeen dowladda oo ay ku shegeen in ay gurmad deg deg ah u soo dirin goobaha uu saameyay dabka.
Dabkan ayaa ka kacay deegaanka Merti ee ismaamulka Isiolo oo qabsaday in ka badan 10 kiilomitir oo dhul daaqsimeed ah.
Sida lagu sheegay warbixinta hay’adda Lanqerta Cas dabka ayaa haatan ku sii fiday tuulooyiinka kala ah Iresaboru, Badana, iyo Sericho.
Qaybo ka mid ah tuulooyiinka Matarba, Korbesa, iyo Malkagalla ayaa sidoo kale uu dabku saameyn ku yeeshay.
Waxaana walaac laga qabaa in hadii dabkan la la xakameyn waayo uu gaari karo guryaha la deggan yahay iyo xarumaha kale ee Isiolo.
Iyadoo laga walaacsan yahay in dowladdu aysan waxba ka qaban dabkaasi, ayaa hay’adda Laanqeyrta Cas qaybteeda Kenya waxaa ay daaha ka qaaday in ay garab ka heleen adeegga duurjoogta ee KWS.
Hay’adda Laanqeyrta cas ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in inkastoo dadaallada lagu xakameeynayo dabka ay socdaan balse khatartiisa laga cabsi qabo in uu ku fido guriyo hor leh.