Wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa waalidiinta iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ka tirsan isbeheysiyada kala duwan ku boorriyay in ay si wanaagsan u hagaan da’yarta.
Xilli uu shalay ka hadlayay munaasabad lagu daahfurayay ururka ay ku mideysan yihiin ardaydii hore ee dugsiga sare ee Garissa High ee ismaamulka Garissa ayuu Ducaale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhallinyarada laga weeciyo shaqaaqooyinka .
Waxaa uu da’yarta uga digay in ay baraha bulshada u adeegsadaan in ay dafiraan nidaamka maamulka ee kala dambeynta iyo kicinta rabshadaha.
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta oo dhallinyarada kula taliyay in ay difaacdaan xuquuqdooda.