Kenya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha nabadgalyada

0
114

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay agaasimaha guud ee adeegga qaran ee nabadgalyada iyo sirdoonka waddanka Itoobiya Redwan Hussien.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay dadaallo iskaashi ku saleysan oo ay dalalka Geeska Afrika kula tacaalayaan caqabadaha amni sida argagixisada iyo dembiyada abaabulan.
Dowladda Kenya ayaa hoosta ka xarriiqday in ay diyaar u tahay la shaqeynta saaxiibadeeda iyo waddamada kale ee caalamka si loo xaqiijiyo xasilloonida.
Madaxweyne William Ruto oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa Redwan kala hadlay amniga gobolka.