Madaxweynaha dalka kenya william Ruto oo baaq u diray hogaamiyasha diimaha

0
277

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha diimaha inay hormuud ka noqdaan xaqiijinta daacadnimada dhaqanka suuban ee dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa tilmaamay in culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay hormuud ka yihiin akhlaaqda wanaagsan ee lagama maarmaanka u ah in looga gudbo caqabadaha dalka ka jira.
Waxaa uu sheegay hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalka in qof walba ay mas’uuliyad ka saaran tahay hubinta daacadnimada ee qaab-dhismeedka anshaxeed.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu kulan la qaatay qaar ka mid ah hogaamiyaasha diimeed iyo Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu Eric Karemba.