Ugu yaraan 113 ruux oo lagu dilay Qaza

0
257

Ugu yaraan 113 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 28 carruur ah iyo 31 haween ah ayaa lagu dilay Qaza sida ay sheegeen ciidamada difaaca madaniga ee Falastiin.
87 ka mid ah dilalkan ayaa ka dhacay magaalada Qaza.
Weerarradan ayay Israa’iil gaysatay tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo lagu wado inuu si rasmi ah u dhaqangalo Axadda .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarrada Israa’iil lagu dhaawacay ugu yaraan 264 qof oo kale.
Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa la filayaa in ay maanta isugu yimaadaan kulan ay ku ansixiyaan heshiiska xabbad joojinta ee Qaza, sida ay wararku sheegayaan.
Laba wasiir oo ka tirsan garabka midig ee Israa’iil, ayaa ku hanjabaya inay iska casili doonaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu haddii heshiiska xabbad joojinta Qaza la ansixiyo.
Qiyaastii 15 carruur ah o ku nool Gaza ayaa maalintii lagu soo waramayaa inay soo gaaraan dhaawacyo dagaal kuwaas oo ka dhigi doona naafo noloshooda inta ka dhiman sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii duullaanka militari ee Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 46,801 qof halka lagu dhaawacay 110,453 kale oo Falastiniyiin ah.