Waxaa uu qorshuhu yahay in laanta tabarucaadda ee M-Pesa Foundation ay xarumo caafimaad ka dhisto ismaamullada Busia iyo Bungoma.
Waxaa mashaariicdan ku baxaysa 95 milyan oo shilin si sare loogu qaado adeegyada daryeelka ee hooyooyinka iyo dhallaanka.
Ismaamulka Busia , waxaa barnaamijkan ka faa’iidaysan doono qiyaastii 12,000 oo qof iyadoo la filaya in qaybta umusha laga hirgeliyo xarunta caafimaadka ee Nasewa ee degmada Matayos , tani oo ay ku baxaysa 50 milyan oo shilin.
Sidoo kale , waxaa qaybtaasi lagu rakibi doonaa matoor iyo haamaha waawayn ee biyaha.
Guddoomiyaha Safaricom Foundation ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, Joseph Ogutu ayaa sidatan sheegay.
Sidoo kale , M-pesa Foundation ayaa 45 milyan oo shilin ku qarash gelin doonto dhisidda qaybta umusha ee isbitaalka degmada Naitiri ee ismaamulka Bungoma.
Waxaa taageerada shirkaddan soo dhaweeyay oo ka mahadceliyay barasaab ku xigeenka ismaamulka Busia Arthur Odera