Nin 25 sano jir ah ayaa la sheegay in uu isku dilay magaalada Kipkelion ee ismaamulka Kericho.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ninka is dilay magaciisa uu ahaa Festus Bore kaasi oo meydkiisa laga helay gurigiisa.
Waxaa sidoo kale la sheegay in uu shaqaale ka ahaa hay’adaha samafalka ee dowladda.
Shacabka ayaa ku andacoonaya in is-dilka ninkan uu ka dhashay muran dhanka qoyska ah oo muddo dheer soo jiitamayay oo kala dhexeeyay xaaskiisa taasoo dhawaan dib ugu soo laabatay reerka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninka geeriyooday oo ay ka muuqatay xaalad murugo ah uu ku hanjabay inuu naftiisa daldali doono maalintii Talaadada ahayd iyadoo aabihiisa uu ka codsaday inuu go’aankaasi ka tanaasulo.
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka Kipkelion Mr. Bore ayaa isku dilay xarig uu ka soo laalaadiyay saqafka guriga.
Dhacdadan ayaa waxaa lagu soo wargeliyay saldhigga booliiska ee Kipkelion waxaana meydka loo qaaday goobta meydadka ee isbitaalka hoose ee Londiani.