Xildhibaannada baarlamaanka oo ku hanjabay in ay xilka ka xayuubin doonaan Justin Muturi

0
321

Xubnaha baarlamaanka dalka ayaa wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Justin Muturi ka dalbaday inuu is casilo.
Waxaa ay ku eedeeyeen wasiirka inuu kenyaanka ku kicinaya dowladda uu xubinta ka yahay.
Xildhibaannadan ayaa ku hanjabay in mooshin xil ka xayuubin ah laga gudbin doono wasiir Muturi haddii uusan xafiiska banneyn.
Waxaa ay sheegeen in uu ku eedeeyay agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Xaaji inuu yahay shakhsiga afduubka u gaysanaya dhallinyarada.
Mudanayaasha ayaa arrintan uga hadlay fadhi gaar ah oo ay ku lahaayeen baarlamaanka qaranka kaas oo lagu ansixinayay saddex wasiir oo la turxaan bixiyay Talaadadii.
Mutahi Kagwe ayaa loo ansixiyay wasaaradda beeraha, William Kabogo ayaa la geeyay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda iyo dhiggiisa Lee Kinyanjui ee wasaaradda maalgashiga, ganacsiga iyo warshadaha.
Intii lagu guda jiray kal-fadhiga, xildhibaannada ayaa si dareen leh u sheegay in Muturi uu ka carooday in xilkii uu golaha wasiirada ka hayay hoos looga dhigay.
Justin Muturi ayaa toddobaadkan shaaca ka qaaday in madaxa NIS Nuurdiin Xaji in uu ku lug leeyahay afduubyada lagula kacay wiilkiisa Leslie Muturi iyo dhallinyaro kale oo badan.
Hasa ahaate, waxaa su’aal la geliyay sababta ay eedeynta wasiir Muturi xilligan ugu soo beegan tahay oo uunan u hadlin maalinkii wiilkiisa la soo siidaayay.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi uu sheegay in aan lagu cabsi gelin karin xil ka qaadis.
Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay dib uga soo laabtaan fasaxooda bisha dambe .