Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hakiyay qorshaha golaha wasiirrada ee Israa’iil uu cod ugu qaadaya heshiiskii xabbad joojinta ee la shaaciyay in lala galay ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Falastiiniyiinta ay sameeyeen dabbaal deg ay ku soo dhaweynayaan is-afgaradka la gaaray ka dib 15 bilood oo uu socdo duullaanka militari ee Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada difaaca ee Israa’iil ay sare u sii qaadeen weerarrada ay ka fulinayaan Marinka Qaza.
Kooxda difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegtay in tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta , ay Israa’iil dishay ugu yaraan 73 Falastiiniyiin ah.