Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sanadkii afaraad oo xiriir ah loo aqoonsaday loo-shaqeeyaha ugu wanaagsan ee Kenya iyo qaaradda Afrika.
Waxaa aqoonsigan bixiyay machadka (TEI).
Safaricom ayaa lagu amaanay xeerarkeeda shaqaaleysiinta iyo la macaamilka aadanaha.
Waxaa arrintan soo dhaweeyay madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Dr. Peter Ndegwa.