Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa meel mariyay magacaabidda guddoomiyaha guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee dalka ee SRC Mr. Sammy Chepkwony.
Waxaa sidoo kale la ansixiyay in xubnaha kala ah Martin Kizito Ong’onyi ,Mr. Maxamad Aaden Cabdi ,Ms. Jane Gatakaa Njage ,Dr. Gilda Odera ,Dr. Geoffrey Apollo Omondi iyo Mr. Leonid Ashindu ay ku biiraan guddiga SRC.
Intaasi ka dib, waxaa uu qorshuhu yahay in guddoomiyaha iyo xubnaha cusub ee guddiga loo dhaariyo qabashada xilalka loo igmaday.
Tani ayaa xigtay turxaan bixin uu sameeyay guddiga baarlamaanka waddanka u qaabilsan arrimaha shaqaaleysiinta ee uu guddoomiyo Eric Muchangi.
Xildhibaannada baarlamaanka sida Kimani Ichung’wah oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda iyo dhigiisa deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori ahna madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Junet Maxamad ayaa shakhsiyaadkan ku boorriyay in ay si wanaagsan ula macaamilaan golaha xeer dejinta iyo maamullada kale ee dalka ka jira.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya , Otiende Amollo ayaa dhankiisa Chepkwony iyo xubnaha uu hoggaamiyo kula taliyay in ay garab siiyaan dhaqangelinta heshiisyada gorgortanka ku saleysan ee loo yaqaano(CBA) ee lala galo ururrada shaqaalaha oo aynan caqabad ku noqon.
Dhanka kale, guddiga baarlamaanka qaran u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa oggolaaday in laga doodo warbixinta turxaan bixintii lagu sameeyay wasiirrada magacaaban ee kala ah Mutahi Kagwe(Beeraha iyo xanaannada xoolaha),William Kabogo(Isgaarsiinta) iyo Lee Kinyanjui( Ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha).
Guddigan oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa warbixintiisa ku sheegay in Kagwe, Kabogo iyo Kinyanjui ay muujiyeen aqoon,, khibrad ,karti maamul iyo fahan farsamo oo la xiriira xilalka wasiirnimo ee loo magacaabay.