Isbitaalka KNH oo raalligelin bixiyay ka dib cabasho ay shalay bukaanno muujiyeen

0
122

Maamulka isbitaalka qaran ee Kenyatta ee (KNH) ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu raalligelin ka bixiyay gaabad shalay ku yimid isticmaalka barta caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Madaxa fulinta ee isbitaalka Dr.Evanson Kamuri ayaa qiray in ay jirtay cillad farsamo.
Waxaa uu sheegay in cilladaasi ay saameysay nidaamyada caymiska SHA ee lagu beddelay NHIF taasoo keentay in bukaannada ay tagaan xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ee dalka ee Afya House.
Dr. Kamuri oo raalli gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid u adeegidda bukaannada ayaa sheegay in la xalliyay caqabado ay wajahayeen labo cishe .
Waxaa uu intaasi ku daray in howlaha la xiriira bixinta daryeelka caafimaad ee loo maraya caymiska SHA ay sidii caadiga ahayd u sii socdaan.
In kastoo mas’uuliyiinta dowladda sare ay amaanayaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA , haddana waxaa mararka qaar soo baxo cabashooyin ay dadweynaha ka muujiyaan adeegsiga barnaamijkan.