Guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul aadanaha ee (KNHRC) ayaa sheegay in laga soo billaabo bishii Lixaad ee sanadkii hore aan meel lagu sheegi karin 25 qof oo kenyaan ah.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadan gudaheeda uu diiwaangeliyay 85 oo ah dhacdooyinka afduubyada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa cabashada iyo baaritaannada ee guddigan Kamanda Mucheke.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii baaritaan qoto dheer loogu sameyn lahaa afduubyada dhaawacay sumcadda dowladda gaar ahaan laamaha ammaanka oo u xil saaran xaqiijinta badqabka shacabka .
Agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International qaybteeda Kenya ,Irungu Houghton ayaa dowladda ka dalbaday in ay soo afjarto dhacdooyinka dadka la waayo.