Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya dilkii dhawaan ismaamulka Mombasa loogu gaystay Aisha Abubakar oo ahayd sii hayaha xilka maareeyaha doorashooyinka ee dowlad deegaanka Kilifi.
Dilkan ayaa dhacay 5-tii bishan Jannaayo ee aan ku guda jirno.
Dambi baarayaasha ayaa xusay in ay sidoo kale soo heleen caddeymo dhowr ah.
Tuhmanayaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaaba Isa Omari, Brian Shikuku Mudari iyo Bryan Templer Oyare.
Waxaa laga soo xiray goobo kala duwan oo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ka tirsan gobolka Xeebta ka dib 7 cishe oo ay laamaha ammaanka wadeen dabagal xooggan.
DCI-da ayaa sheegtay in hadda ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo dilkaasi la xiriira.
Aisha Abubakar ayaa maalmo ka hor abaare 3-dii habeennimo lagu soo weeraray hooygeeda halkaasi oo ay kooxdii falkan gaysatay sidoo kale ku dhaawacday wiilkeeda oo 18 sano jir ah laguna magacaabo Khasim Xassan.
Dilka ayaa laga soo tabiyay xaafadda Utange –Mkunguni ee deegaan baarlamaaneedka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.