Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo abaare 12-ka duhurnimo ee maanta, la turxaan bixiyo saddex qof oo uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilalka wasiirnimo.
Waxaa turxaan bixinta sameyn doono xubnaha guddiga su’aallaha waydiiya shakhsiyaadka loo soo xusho qabashada xilalka dowladda ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula.
Wasiirka magacaaban ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mutahi Kagwe ayaa ugu horreyn doono turxaan bixinta .
William Kabogo oo isna loo soo magacaabay wasiirka warfaafinta , isgaarsiinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha casriga ah ayaa guddiga hor tagi doono abaare 3-da galabnimo ee maanta halka dhiggiisa ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha Lee Kinyanjui la wareysan doono 5-ta galabnimo.
Turxaan bixinta ayaa ah mid lagu xaqiijinaya aqoonta , khibradda shaqo , kartida , hufnaanta iyo u diyaar garowga gudashada waajibaadka qaran ee wasiirrada magacaaban loo igmaday.