Dowladda oo bayaan ka soo saartay is casilidda Dr. Peter Mbae

0
182

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan la socodka iyo qiimeynta fulinta mashaariicda horumarineed ayaa bayaan ka soo saartay is casilidda madaxii qaybtan Dr. Peter Mbae.
Sida lagu sheegay bayaanka waxay shaqaaleysiinta Dr. Mbae ku ekayd 11-ka bishii Toddobaad ee sanadkii hore ka dib markii uu madaxweynaha kala diray golaha wasiirrada.
Amos Gatheca oo ah xoghayaha wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta raasimaalka aadanaha, ayaa sheegay in xilkii uu hayay Dr. Mbae uu la xiriiray xafiiska Moses Kuria oo xilligaas ahaa wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha, waxqabadka, iyo maareynta fidinta adeegyada dowladda.
Waxay waaxdan oo loo yaqaano GDU ku nuuxnuuxsatay in wargelinta rasmiga ah ee la xiriirta inuu dhammaaday qandaraaskii lagu shaqaaleysiiyay Dr. Mbae la soo saaray 24-kii bishii Toddobaad  ee sanadkii hore.
Sidoo kale , waxaa qoraalka ku xusan in mas’uulkan hore la siiyay dhammaan lacagihii uu xaqa u lahaa.
Waaxda GDU-da waxay beenisay eedaymaha ah in Dr. Mbae uu is casilay maadaama uunan xiriir wanaagsan oo shaqo kala dhexeyn madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei .
Waxaa sidii caadiga ahayd u socday howlaha qaybtan tan iyo markii uu shakhsigan xafiiska banneeyay.
12-kii bishii Toddobaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Mr. Lee Kyonze si ku meel gaar ah loogu magacaabay madaxa waaxda qaabilsan xaqiijinta fulinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta leh ee dowladda dhexe.
Wasaaradda adeegga dadweynaha ayaa shacabka iyo daneeyayaasha ku boorrisay in ay iska dhaga tiraan wararka sida ay qoraalka u dhigtay lagu marin habaabinaya ee ku aaddan is casilaadii madaxii qaybta GDU.