Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo dhammaan shacabka kenyaanka si loo mideeyo qaranka islamarkaana la wanaajiyo heerarka nolosha ee dadweynaha.
Waxaa uu xusay in si horumar la taaban karo loo gaaro ay tahay in kenyaanka ay ka tanaasulaan siyaasadda ku saleysan naceybka iyo qabyaaladda.
Madaxweyne Ruto ayaa dhammaan kenyaanka ugu baaqay inay qaataan waddada midnimada iyo wada shaqeynta si barwaaqo loo gaaro.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in hoggaamiyaasha siyaasadeed ay ka shaqeeyaan midnimada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku dhuftay in siyaasadda kala qaybsanaanta ku saaleysan aysan xilligan meel uga banaaneyn Kenya.
Madaxweynaha dalka ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in uu wax ka beddelo nolosha kenyaanka iyada oo loo marayo hindiseyaal horumarineed.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa waalidiinta ku boorriyay inay carruurtooda ku abaabiyaan anshaxa wanaagsan.
Waxaa uu sheegay in waalidiinta looga baahan yahay in ay carruurtooda ka hor istaagan in si qaldan aysan u adeegsan baraha intarneetka.
Madaxweynaha ayaa xusay in mustaqbalka dalka horumarkiisa uu ku xiran yahay ubadka akhlaaqda wanaagsan.