DHAGEYSO:Gachagua oo ku taliyay dhameystirka guddiga IEBC

0
184

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa madaxweynaha qaranka William Ruto ugu baaqay inuu dardargeliyo sidii loo dhameystiri lahaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Waxaa uu dhanka kale cambaareeyay afduubka lagula kacay qaar ka mid ah dhallinyarada dowladda ku dhaliila baraha bulshada.
Gachagua ayaa xusay in iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinaya waalidiinta ee ah in ay wanaajiyaan anshaxa carruurtooda in dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay jeediyaan hadallo laga wanaagsan yahay.