Guddiga Arrimaha Fatahaada ee Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay inuu ahaa mid is difaacid ah oo aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta.
Guddiga ayaa sheegay in 9 bilood ay ka soo wareegatay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Hirshabelle, haddii mas’uuliyad la iska saari lahaana lagu fulin karay mashruuca Wax looga qabanayo fatahaada muddo kooban.
Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in waxa sababay dhihaatada iyo fatahaada hada uu wajahayo ay tahay dib u dhaca ku yimid mashruucii wax looga qaban lahaa ka hortagga fatahaada iyo howlwadeenada mashruuca oo aan fikir ka heysan deegaanka.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa booqday Meelaha wabigu uu biyaha ka soo daayay ee hadda dadaalka loogu jiro in la xiro si aysan Magaalada Jowhar Biyuhu u saameyn.
Waxaa Booqashada Madaxweynaha Hirshabeelle Faahfaahin ka bixiyay Afhayeenka Maamulkaasi
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo eedaymo u jeediyay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya