Madaxii amniga ee madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta is casilay isaga oo wajahaya su’aallo la xiriira sababta ilaaladiisa ay u hor istaageen xarigga madaxweyne Yoon Suk Yeol.
Yoon ayaa diiday in su’aalo la waydiiyo waxaa uuna toddobaadkii hore ka badbaaday xarig ka dib iska hor imaad dhexmaray ilaaladiisa iyo dambi baarayaasha.
Madaxa adeegga amniga madaxweynaha ee (PSS) Park Chong-jun ayaa soo gudbiyay istiqaaladiisa subaxnimadii jimcaha sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan PSS.
Waxay tani timid iyadoo baarayaasha iyo booliisku ay isku diyaarinayaan inay soo bandhigaan dalab cusub oo lagu xirayo Yoon sababo la xiriira ku dhawaaqistiisi awoodda buuxda siisay militariga waddankaasi.