Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo Rag lagu eedeeyey i ay in isku day dil Sameeyeen ayna dhaawac u geysteen nin oday ah.
Falkaan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaana Laamaha Amaanka la faray inay ka howlgalaan soo qabashada shaqsiyaadkaan eedaysan.
Ragaan loo jaray amarka soo qabashada ah ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa ilaa todobo qof waxaana loo haystaa inay isku dayeen dilka Muwaadin 72 Sano jir ah oo lagu Magacaabo C/laahi Cali Adan Qulfo kaasoo dhacdadaas uu dhaawac ka soo gaaray Taariikhdu Markay ku beegnayd 15-Kii Bishii Shanaad ee Sanadkaan 2021-ka.
Dhanka kale Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii Afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa Culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya Samafalka oo ka howlgali jiray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor wuxuu magacaabay guddiga 7 Xubnood ka kooban oo kala ah.
Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye) Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen) Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn) G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin) X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin) iyo C/risaq Khaliif Aaden (Xubin)
Magacaabista guddigaan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo todobaadkii hore Koox Hubaysan oo Maleeshiyaad ah ay deegaan Hoos Yimaada Magaalada Gaalkacyo ka Afduubteen wadaad deegaanka Caan ka ahaa kaasoo ugu danbaytiina ay dileen.