Senatarka Makueni oo sheegay in Wiper ay isbeheysi la sameyn doonto Gachagua

0
87

Senatarka ismaamulka Makueni Dan Maanzo ayaa sheegay in xisbiga Wiper uu sanadka 2027-da kaashan doono madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday Rigathi Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay suurtagal tahay in aynan sii mideysnaan Wiper iyo ODM.
Maanzo ayaa xusay in kastoo ay ka wada tirsan yihiin isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, haddana in ay kala qaybsanaan jirto.
Hasa ahaate, waxaa hadalka senatarka Makueni gaashaanka u daruuray xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka Nairobi Edwin Sifuna oo uga digay inuu ka hadlo mustaqbalka siyaasadeed ee isbeheysiga Azimio.